Maamulka Somaliland oo albaabada u laabay Maktabaddii ay Masar ku lahayd Hargeysa.

0
44

Maamulka Somaliland ayaa Arbacadii shalay albaabada isugu dhuftay Maktabad ay Masaaridu ku lahayd magaalada Hargeysa, iyadoo aan ilaa hadda faah faahin laga bixin sababta keentay in la xidho Maktabaddaasi.

Warbaahinta dowladda ayaa xaqiijisay xiritaanka, balse ma aysan faah faahin sababta.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in la xidhay Maktabaddii Masar ee Hargeysa, dhinaca kalena waxa si guul ah ku soo dhammaaday is-afgaradkii dhexmaray dawladaha Somaliland iyo Itoobiya,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Dadka falanqeeya arrimaha gudaha ayaa sheegaya in xiritaankan uu la xiriiro kaalmadii milateri ee ay dowladda Masar dhawaan ku wareejisay dowladda federaalka Soomaaliya ee Muqdisho iyo iskaashiga dhanka difaaca ee Masar iyo Soomaaliya.

Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland, Itoobiya iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa ahaa mid aan wanaagsanayn tan iyo markii Itoobiya ay Somaliland la saxeexatay heshiis muran badan dhaliyay oo ku saabsan gelitaanka xeebaha Badda Cas, kaas oo ay Muqdisho u aragto mid xad-gudub ku ah madax-banaanideeda.

Horaantii todobaadkan, Itoobiya waxay iftiimisay wax-qabadkii dawladdeeda, iyadoo soo bandhigtay sawirka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed markii ay saxeexeen heshiiska Is-afgaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here