Ciidamada ammaanka ee magaalada Mandheera ayaa gacanta ku dhigay 190 kiish oo sonkor aan caadi ahayn, kadib howlgal ay dhawaan ka sameeyeen deegaanka Siftu oo ku dhow xadka Kenya iyo Itoobiya.
Agaasinka danbi baadhista (DCI) ayaa shaaca ka qaaday arbacadii in qabsashada la sameeyay ka dib markii ay xog ka heleen dadka deegaanka.
“Markii la baaray, waxaa la xaqiijiyay in gaariga xamuulka ah uu siday 190 jawaan, oo midkiiba culeyskiisu yahay 25 kg, oo sonkor aan la habeynin,” ayay tiri DCI-da.
Gaariga ayaa lagu xiray Saldhigga Booliska Mandheera, halkaasi oo uu ku sugayo baaritaan dheeri ah oo ay ku sameynayaan saraakiisha canshuuraha Kenya ee KRA.
DCI-da ayaa ku celisay sida ay uga go’an tahay in ay ka hortagto badeecooyinka aan la isticmaalin ee soo gala suuqa, waxayna shacabka ku ammaaneen sida joogtada ah ee ay isaga kaashanayaan soo gudbinta macluumaadka taageeraya howlgallada amniga.