Ciidamada Soomaaliya oo howlgallada koonfurta Mudug ka saaray 10 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

0
34

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay Al-Shabaab ka takhalusaan howlgal qorsheysan oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Qeycad ee koonfurta gobolka Mudug, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada, ugu yaraan 10 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa la dilay.

Howlgalka oo qeyb ka ah ololaha ballaaran ee lagu burburinayo kooxda xagjirka ah, ayaa ujeedkiisu ahaa in sare loo qaado ammaanka gobolka iyo ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen hadafkii laga lahaa, taasi oo keentay in si weyn loo wiiqo awooda Al-Shabaab ee deegaanadaasi.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay si buuxda uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga shacabka,” ayay tiri Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo ku nuux-nuuxsatay sida ay uga go’an tahay soo celinta nabadda iyo xasilloonida.

Wasaarada ayaa intaa ku dartay in faah faahin dheeri ah oo ku saabsan howlgalkan ay soo bandhigi doonaan marka la dhameeyo qiimeynta dhameystiran. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ciidamada dowladda ay ku doonayaan in Al-Shabaab looga sifeeyo dhulka miyiga ah iyo sidii loo xoojin lahaa amniga dalka.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa dagaal adag kula jirta dowladda Soomaaliya, waxaana ay ku soo rogtay tafsiir adag oo ku aadan shareecada Islaamka. Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah ayaa sii wada howlgallada lagu dhimayo awoodda kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here