Al shabaab oo weerar gaadma ah ku dilay Saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed

0
1

Wararka ka imaanaya degaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamada Koonfur Galbeed ee gobolka Bakool, iyagoo dilay shan sarkaal oo sare.

Wararka waxa ay sheegayaan in weerarka uu ahaa mid miino dhulka loogu aasay saraakiishaan oo ahaa kuwa gurmad ugu socday ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed oo saakay la dagaalamayay Al Shabaab, waxaana uu qaraxa ku haleelay deegaanka Madooda oo dhanka Koonfur kaga beegan Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Sida aan Wararka ku heleyno 5 kamid ah ciidamada Koonfur Galbeed oo leh saraakiil, kuxigeeno iyo dablayaal ayaa lagu dilay weerarka, waxa ay doonayaan inay xoojiyaan askartii saakay deganaadaasi kula dagaalantay Al shabaab.

Isagoo ka jawaabaya, madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed arintaan dhacday ayaa waxa uu si deg deg ah uga tacsiyeeyay qoysaskii ay ka geeriyoodeen saraakiishaan, waxaana uu xusay inay ahaayeen geesiyaal gurmad ugu socday askarta kale ee kujirta dagaalka ka dhanka Al shabaab.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay inay sii wadi donaan howlgallada ka dhan ka ah Al shabaab ayna dagaalkii saakay Al shabaab kaga soo furteen hub farabadan ayna gaarsiyeen khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here