Taliyaasha Ciidamada Itoobiya Oo Gaaraay Magaalada Jig-Jiga.

0
21

Taliyaha Ciidanka Qaranka Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula iyo ku xigeenkiisa General Abebaw Taddese ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ku soo dhoweeyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar, madaxa amniga Dayib Axmednuur, iyo mas’uuliyiin kale oo heer deegaan ah.

Saraakiisha ugu saraysa ciidamada ayaa ku sugan magaalada Jigjiga si ay uga qaybgalaan xuska sanadguurada 47-aad ee ciidamada taliska bariga Itoobiya, taasoo noqonaysa markii ugu horaysay ee munaasabadan lagu qabto magaalada Jigjiga.

Sida ay sheegtay warbaahinta gudaha, Field Marshal Birhanu Jula ayaa sidoo kale xarigga ka jari doona xarun cusub oo lagu tababari doono xerada Garabcase oo ku taalla duleedka magaalada.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli ay xiisad ka taagan tahay Geeska Afrika. Itoobiya ayaa dhawaan gawaari gaashaaman iyo boqolaal ciidamo ah soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, kadib markii dowladda Masar ay soo gaarsiisay Soomaaliya hub cusub oo dhanka difaaca ah.

Khilaafka gobolka oo sii xoogaysanaya ayaa daba socda heshiis horudhac ah oo ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland oo ah gobol ka go’ay Soomaaliya. Heshiiskan oo lagu kireynayo dhulka xeebaha ah ee Somaliland si ay u hesho aqoonsi madax-banaanideeda, ayaa waxa Soomaaliya ka soo horjeestay oo si weyn u xoojiyey xidhiidhka Soomaaliya iyo Masar.

Masar ayaa ka cabsi qabta in sii wadida buuxinta biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee wabiga Niil ay hoos u dhigi doonto biyaha Masar iyo Sudan, taasoo sii xumaynaysa xiisada gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here