Madaxweynaha hirshabeele oo la kulmay saraakiisha ciidamada ee ku sugan Balcad si ay u xoojiyaan ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

0
15

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen Guudlaawe ayaa gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si ay u xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada oo ay ka mid yihiin taliye ku xigeenka ciidanka lugta, taliyaha qeybta 12-ka April, taliyaha guutada 3-aad, taliyaha dugsiga tababarka iyo saraakiil kale oo muhiim ah.
Qodobada looga wada hadlay ayaa waxaa kamid ah qorshaha la doonayo in Al-Shabaab looga xoreeyo deegaanada ay wali gacanta ku hayaan ee gobolka Sh/dhexe iyo sidii loo yarayn lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan shacabka Soomaaliyeed ee ku safra wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwa deegaanka, iyo shacabka dadaalka ay ugu jiraan xoreynta deegaanno dhowr ah oo istiraatiiji ah oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan labadii sano ee la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here