Home WARARKA Bellingham Oo Si Qiiro Leh Uga Hadlay Saameynta Arnold Ay Ku Yeelatay...

Bellingham Oo Si Qiiro Leh Uga Hadlay Saameynta Arnold Ay Ku Yeelatay Geeridii Jota

139
0

Jude Bellingham ayaa si murugo leh uga hadlay saameynta weyn ee geerida Diogo Jota ku yeelatay saaxiibkiisii Trent Alexander-Arnold, isagoo muujiyay in xiddiga Liverpool uu wali ku jiro xaalad adag.

Wuxuu yiri:

“Trent? Aad bay ugu adkeyd isaga. Wuxuu la ciyaaray Diogo muddo 5 sano ah. Qof walba wuxuu dareemayaa khasaaraha, laakiin Trent si gaar ah ayuu uga naxay. Waxaan nahay koox, waxaana diyaar u nahay inaan garab istaagno.”

Jota aoo ku dhintay shil baabuur 3-dii July 2025, ayaa si weyn u gilgishay dunida kubadda cagta. Trent iyo Jota waxay ahaayeen saaxiibo dhow oo ku guuleystay horyaalka Premier League iyo koobab kale intii ay wada joogeen Anfield.

Jude Bellingham ayaa sidoo kale u diray tacsi qoto dheer qoyskii uu ka baxay Jota, isagoo xusay in xiddigaha xulka England ay si buuxda u taageerayaan Trent waqtigan murugada leh.

Jota wuxuu ahaa ciyaaryahan si weyn loo jecel yahay, saaxiib daacad ah, iyo halyey Liverpool ah — geeridiisuna waa mid naxdin leh oo aan la iloobi doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here