Doeladda Iiraan, ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inay diyaariyeen tallaabooyinka ay qaadi doonaan haddii Israa’iil ay beegsato ama dhibaato ay gaarsiiso hoggaamiyaha sare ee ilaalada Kacaanka Iiraan Aaytullaah Ali Khamenie.
La-taliyaha sare ee ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, Ahmad Vahidi, ayaana shaaca ka qaaday in Israa’iil laga waayi doono khariidada dunidda, haddii ay isku daydo in ay waxyeelo gaarsiiso hoggaamiyahooda, waxa uuna u diray digniin adag.
“ Waxaan wajahnaa cadow khiyaano badan ah, weerar kale oo uu soo celiyo waa suurtagal, ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan-na waxay diyaar u yihiin inay si xooggan uga jawaabaan weerar kasta oo gardaro ah.” ayuu yiri Ahmad Vahidi,
Iiraan, waxay u muuqataa inay isku diyaarinayso dagaal , waxaana heegan ku jira dhammaan ciidankeeda, illaa markii u horreysay ay isku diyaarinayso Iiraan inay gunta badda ee marinka Hormuz oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan caalamka ee wax ka badan 20% shidaalka caalamka uu ka gudbo — ku aasto bambooyin qaraxyo burburin ah dhalin kara oo looga talagalay in lagu quusiyo maraakiibta, haddii Mareykanka iskudayo maraakiibtiisa dagaal ee uu ku weerarrayo Iiraan inuu halkaa keeno.
Xabbad-joojin aan la isku haleyn karin uu ka shaqeeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa lagu joojiyay dagaal socday ku dhawaad labo isbuuc oo u dhaxeeyay Iran iyo Israa’iil, xilli kasta ayaana la filan karaa in uu dagaalka qarxo .



