Home WARARKA Koox weerar ku qaaday Warshadda Birta ee Dayniile.

Koox weerar ku qaaday Warshadda Birta ee Dayniile.

73
0

Koox hubeysan ayaa xalay weerar ku bilowday rasaas culus ku qaaday Warshadda Birta ee ku taalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay degganaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, maadaama aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ama hay’adaha ammaanka.

Warshadda Birta oo ka mid ah dhismayaasha muhiimka ah ee ku yaalla Dayniile, ayaa la sheegay in ay ka barakaceen dadkii shacabka ahaa ee deganaa, kaddib markii ay dowladda la wareegtay dhulkaasi.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in xalay ay ahayd “habeen cabsi badan”, isagoo intaas ku daray:

“Rasaas culus ayaa bilaabatay abaare 3:00 fiidnimo, waxaana dareenay in cabsi badan, dhulka la weeraray waxaa deganaa dad shacab ah oo laga barakiciyay, saaka xaalada way degan tahay.” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here