Puntland oo qorsheynaysa in ay dib u celiso qaxootiga Itoobiyaanka ah, iyadoo laga cabsi qabo in argagixisanimo loo adeegsado.

0
39

Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay qorshe dib loogu celinayo qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ku nool magaalada Garoowe, sababo la xiriira dhanka ammaanka, nadaafadda iyo isdhexgalka dhaqanka.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir Qanqaa ayaa sheegay in go’aankan uu ka dambeeyo cabsi laga qabo in Al-shabaab iyo Daacish-Soomaaliya ay dadkaas uga faa’ideystaan ​​falal argagixisanimo.

Qorshaha dib u celinta qaxootiga waxaa ka mid ah in la dhiso xarumo ku meel gaar ah, iyadoo taageero laga helayo hay’ado caalami ah, si loo dejiyo qaxootiga inta dib loogu celinayo Itoobiya.

Talaabadan ayaa timid kadib markii ciidamada amaanka Puntland ay dhawaan gacanta ku dhigeen kayd ay ku jireen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno “is-qarxinta” — hub aan horey loogu arki jirin gudaha Soomaaliya, waxaana la xiray 7 qof oo lala xiriirinayo Al-Shabaab ama Daacish-Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here