Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa lagu xidhay madaarka Hargeysa ka dib markii ay xukuumaddu dhaleecaysay.

0
40

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Isniintii lagu xidhay Madaarka Cigaal International ee Magaalada Hargeysa, isagoo ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta, oo uu muddooyinkii u dambeeyay eedo u jeediyay Xukuumadda Somaliland iyo Ururkii SNM.

Sababta rasmiga ah ee loo xiray Abiib ayaan ka hadlin maamulka.

Abiib ayaa si badheedh ah u dhaliila maamulka Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku eedeeyo inay bar-tilmaameed ka dhigtaan dadka ka hor imanaya siyaasadiisa.

Xadhigan ayaa daba socday isku daygii hore ee xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland uu ku doonayey in uu xasaanadda kaga qaado xildhibaan Abiib. Abiib ayaa ku gacan seyray eedeymaha lagu soo oogay oo uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan. Mooshinkan ayaa u hakaday xarunta golaha shacabka kadib markii ay iska caabin kala kulmeen xildhibaanada kale, waxaana guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ay sharci darro ku tilmaameen qaladaad dhanka habraaca ah.

Abiib waxa soo foodsaaray caqabado kala duwan oo dhanka sharciga ah oo ay ka mid yihiin iska hor imaad uu la galay shirgudoonka golaha wakiilada iyo eedo sharci daro ah.

In kasta oo eedaymaha iyo xadhiga lagu soo oogay, Abiib weli wuu ka dhego adaygay. Waxa uu marar badan ku cel-celiyey in uu xilka iska casili doono oo keliya haddii ay reer Awdal ku qanci waayaan matalaadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here