Cristiano Ronaldo oo shaaca ka qaaday xilliga uu ka fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah

0
56

39-jirkan ayaa saftay kulamo badan iyo goolal ka badan qof kasta oo kale taariikhda kubbadda cagta caalamiga ah ee ragga, isagoo dhaliyay 130 gool 212 kulan oo uu ciyaaray.

Waxa uu ku jiraa xulka Portugal ee ciyaaraha Nations League ee ay la ciyaari doonan Croatia iyo Scotland.

Laakiin Ronaldo ayaa ciyaarahan soo galay kadib markii uu si wayn u niyad jabay Euro 2024 oo uu ku fashilmay in uu wax gool ah dhaliyo dad badana ay dareemeen in uu kooxda dib u celiyay.

Halyeyga Manchester United iyo Real Madrid ayaa hadda u ciyaara kooxda Al-Nassr ee dalka Sucuudiga.

“Markii wakhtigu yimaado, waan sii socon doonaa,” ayuu yidhi. “Ma noqon doonto go’aan adag in la qaato.

“Haddii aan dareemo inaanan waxba ku darsanayn, waxaan noqon doonaa qofka ugu horreeya ee taga.”

Laacibka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa sheegay inuusan waligiis ku fikirin inuu ka tago xulka qaranka, inkastoo dhaleeceyn loo jeediyay Euro 2024 ka dib.

Ronaldo iyo saaxiibkiis Pepe, oo 41 jir ah, ayaa ahaa labadii ciyaaryahan ee ugu da’da weyn Euro 2024.

Haddii Ronaldo uu sii wado tartanka, taageerayaashu waxay heli karaan fursad ay ku marag kacaan weeraryahanka, oo 41 jir ah, Koobka Adduunka 2026 qeyb ka noqonaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here