Victor Osimhen ayaa waxaa soo dhaweeyay kumanaan kun oo taageerayaasha Galatasaray ah ee Istanbul ka dib markii uu dhamaystiray heshiiskii amaahda ahaa ee uu kaga soo biiray Napoli, iyadoo ay ku jiraan qodobbo.
Heshiiska ayaa la sameeyay saacado kadib markii uu xirmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee inta badan suuqyada Yurub.
Sidaas darteed waxaa loo ogolaaday inuu amaah ku baxo hal xilli ciyaareed oo bilaash ah, ilaa iyo inta Galatasaray ay dabooleyso mushaarka €10ka Milyan.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Turkiga ayaa dhab ahaantii bixinaysa € 8.8 milyan oo mushahar ah.
Osimhen Waxay Napoli Kasoo iibsatay Lille Sebtember 2020kii Adduun dhan €79 milyan oo Euro, isagoo u dhaliyay 76 gool 18 caawin 133 kulan uu u saftay Napoli.