Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Turkiga kala hadlay Iskaashiga Difaaca iyo Tamarta Saraakiisha Turkiga.

0
44

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulamo muhiim ah la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Yaşar Güler iyo Wasiirka Tamarta Turkiga Alparslan Bayraktar, intii uu ku guda jiray booqasho uu ku tagay magaalada Ankara. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray “kor u qaadista iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada difaaca iyo tamarta, taasoo ka tarjumaysa xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada waddan.”

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga, ayaa Wasiir Nuur iyo dhiggiisa Turkiga waxa ay ku yeesheen wada-hadallo u jeedkiisu ahaa xoojinta iskaashiga amniga iyo sidii loo sugi lahaa amniga tamarta. Wasiir Nuur ayaa ku tilmaamay kulammadaas kuwo isfaham leh, wuxuuna rajo ka muujiyay mustaqbalka iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga
“Waxaan kulan wax ku ool ah la yeeshay dhiggeyga, H.E. Yaşar Güler, iyo Wasiirka Tamarta & Kheyraadka Dabiiciga, H.E. Alparslan Bayraktar oo ku sugan xarunta Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga. Wadahadalladayadii ku saabsanaa xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga tamarta waxay ahaayeen kuwo wax ku ool ah oo waxtar leh. Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno iskaashiga,” ayuu Wasiir Nuur kula wadaagay akoonkiisa rasmiga ah ee X kulamada kadib.

Turkiga ayaa ah saaxiibka muhiimka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ciidamada xoogga dalka iyo sare u qaadidda awoodda difaaca Soomaaliya. Wadahadallada ka socda Ankara ayaa loo arkaa sii socoshada iskaashigan xooggan, iyadoo labada dhinac ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada muhiimka u ah amniga iyo horumarka qaranka Soomaaliya.

Marka laga soo tago difaaca, wada-hadallada ayaa sidoo kale lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay amniga tamarta, iyadoo Turkiga uu ku yaboohay khibradiisa iyo taageerada uu u leeyahay Soomaaliya si ay wax uga qabato caqabadaha dhanka tamarta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here