Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo ku gacan seydhay kiis xil ka qaadis ah oo lagu soo oogay Xildhibaan Maxamed Abiib.

0
42

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa laalay dacwad xil-ka-qaadis ah oo ka dhan ah Xildhibaan Maxamed Abiib oo maalin ka hor lagu xidhay Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport.

Fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen 51 xildhibaan ayaa diiday mooshinkii xilka lagaga xayuubinayey Abiib, saddex xildhibaan ayaa ku taageertay xil ka qaadistiisa, labana way ka aamuseen. Eedaha ay xeer ilaalinta dawladdu ku soo oogtay Yuusuf waxa ay ku eedaysay inuu danta Somaliland wiiqay, isla markaana uu kicin dadweyne.

Abiib ayaa la xidhay markii uu ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta oo uu muddooyinkii u dambeeyay eedo u jeediyay xukuumadda Somaliland iyo ururka SNM. Xadhigan ayaa waxa cambaareeyay shir-guddoonka golaha wakiilada iyo xisbiyada mucaaridka ah oo ku doodaya inuu ka hor imanayo dastuurka.

Maamulka ayaan sheegin sababaha gaarka ah ee loo xiray Abiib. Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanku waxa uu si weyn u dhaliilaa maamulka madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku eedeeyo inuu bar-tilmaameedsado dadka ka soo horjeeda siyaasadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here