Dagaal Beeleed Ka Dhacay Galgaduud Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

0
46

Dagaal beeleed ayaa ka dhacay deegaano hoostaga Degmada Caabudwaaq oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed Dagaal beeleedkan ayaa la sheegay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaal beeleedyada ayaa la sheegay in ay ka dhaceen gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Bali Seenyoone oo u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dagaalka ayaa shegay dhimashada ku dhawaad ​​10 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah waxaana sidoo kale la sheegay in ku dhawaad ​​20 kale ay ku dhaawacmeen.

Iska horimaadka u dhaxeeya maleeshiyo beeleedka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo muran ku saabsan lahaanshaha dhul aan la deganeyn oo ku yaala deegaanka Bali Seenyo, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in dagaalku uu socdo.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan dagaal beeleedyadaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaallada qabaa’ilka ee gobolladan ku soo noqnoqday waxay muujinayaan baahida degdegga ah ee loo qabo habab wax ku ool ah oo lagu xallinayo khilaafaadka iyo dadaallada nabad-dhisidda si xal waara looga gaaro dagaallada qabaa’ilka.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhaca dagaalo beeleedyo iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay geysanayaan maleeshiyo beeleedyo ka howlgala gobolkaasi, iyadoo dowladda ay dhowr jeer xoojisay dadaalo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaal beeleedyadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here