Ciidamada Cirka ee Itoobiya oo heegan buuxa la galiyay iyadoo ay Soomaaliya ka taagan tahay xiisad.

0
42

Kadib dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay Masar iyo Soomaaliya ka wadeen gobolka beryahanba, ayaa maamulka hawada Itoobiya waxa ay sheegeen in ay si weyn u ilaalinayaan hawada bariga.

Kornayl Dereje Bushre oo ah taliyaha qaybta cirka ayaa sheegay in ciidanka cirka Itoobiya uu marayo heer sare oo loogu diyaar garoobayo gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Taliyuhu waxa kale oo uu xusay in qaybta 3aad ee hawada ay yihiin koox difaac iyo taakulayn si weyn u ilaalinaysa dalka iyo hawada bariga.

Arintaan ayaa sidoo kale waxaa lagu iftiimiyay in Taliska Bari ee Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka ay ku jiraan Heegan Ciidan.

“Waxay si buuxda ugu diyaar garoobeen in ay naftooda u huraan si ay u difaacaan kalsoonida lagu aaminay iyaga oo ka ilaalinaya ciidamada isku dayaya in ay weeraraan dalkeena oo ay fuliyaan weeraro argagixiso,” ayuu ku dhawaaqay difaaca qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here