Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

0
47

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya, ayaa gacanta ku dhigay gaari sahay u siday Ururka Al Shabaab, kadib hawlgal ay Jimcihii ka sameeyeen Gobolka Mudug.

Gaariga oo siday raashiin iyo shidaal ayaa waxaa lala qabtay darawalkii waday iyo dhowr qof oo kale oo laga shakiyay.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka gaarigan ayaa ku sii jeeday deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab ee Dumaaye iyo Dabalo oo dhaca Koonfurta Mudug. Eedeysanayaasha iyo gaariga ayaa ka yimid dhanka magaalada Gaalkacyo ee isla gobolkaasi.

Taliska Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in baaritaan uu socdo, islamarkaana eedeysanayaasha la marsiin doono sharciga.

Maamulka gobolka ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana lagu soo qab-qabtay dhowr qof oo laga shakisan yahay, laguna soo qabtay gaadiid sahay u siday kooxdan xagjirka ah toddobaadyadii lasoo dhaafay, taasoo qayb ka ah dadaallada ballaaran ee ay ciidamadu ka wadaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here