Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Ku Xaniban Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada São Paulo Xili ay hakad ku jiraan Soo dhaweynta Qaxootiga.

0
44

In ka badan 30 dhallinyaro Soomaali ah ayaa muddo toddobaad ka badan ku xayiran garoonka caalamiga ah ee São Paulo kaddib markii maamulka Brazil uu xannibay safar ay ku sii socdeen. Kooxdan oo ay ku jiraan ilaa 18-qof oo Soomaali ah, ayaa waxay ku dhacday xaalad cakiran, kaddib markii dhawaan isbedel lagu sameeyay siyaasadda socdaalka Brazil, kaasoo si ku-meel-gaar ah u joojiyay qaabilaadda qaxootiga.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo ka soo safray dalka Koonfur Afrika, ayaa rajo ka qaba in ay sii wataan safarkooda dalka Mareykanka, waxaana tan iyo markii ay soo degeen ay ku xayirnaayeen garoonka diyaaradaha. Maamulka ayaa ku wargeliyay in aan loo ogolaan doonin inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ilaa ay jawaab rasmi ah ka helayaan socdaalka Brazil.

Mid ka mid ah dhalinyarada xabsiga ku xayiran oo lagu magacaabo Caamir Nuur oo la hadlay Idaacada ayaa ka warbixiyay xaalada adag ee soo wajahday. “Xaaladda madaarku waxay la mid tahay in la xidhay. Waxaan ku seexanaynaa dabaqyo shub ah oo qabow oo aan buste lahayn. Aad bay u qabowdahay, waanan dhibtoonaynaa. Waxaan nahay ilaa 18 qof oo Soomaali ah, waxaana naga horeeyay 12 kale oo halkan ku xayiran. Dadka qaar ayaa xaaladdan ku jiray labaatan maalmood,” ayuu yidhi Nuur.

Nuur ayaa intaa ku daray in kooxdan markii hore ay ka koobnaayeen dad Soomaali ah, haddana ajaaniib kale oo sidan oo kale caqabado dhanka socdaalka ah ay ku soo biireen garoonka. Dadka socotada ah, inkastoo ay haystaan ​​dukumentiyo sharci ah, haddana waxaa saameeyay go’aankii dhawaan lagu joojiyay howsha qaxootiga.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa ka soo kicitimay dalka Koonfur Afrika, iyagoo raadinaya fursado wanaagsan oo ay ka helaan dalka Mareykanka, iyagoo ka soo cararay dhibaatooyinka ka jira dalkooda iyo Koonfur Afrika. Si kastaba ha ahaatee, safarkooda ayaa lagu soo gaabiyay Brazil, waxayna hadda wajahayaan mustaqbal aan la hubin iyagoo sugaya mas’uuliyiinta Brazil inay go’aan ka gaaraan aayahooda.

“Waxaan uga tagnay waddankeena iyo Koonfur Afrika si aan u helno nolol ka wanaagsan, laakiin hadda waxaan ku xayirannahay Brazil oo aan lahayn waddo hore loo maro,” Noor ayaa muujiyay niyad-jab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here