Taliyaha ciidamada Itoobiya oo dhaleeceeyay madaxda Soomaalida isagoo wacad ku maray inay ka hortagayaan khataraha horumarka qaranka.

0
41

Taliyaha Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula ayaa wacad ku maray in ciidamada Itoobiya ay u diyaar garoobeen sidii ay u difaaci lahaayeen qarannimada, isla markaana ay uga hortagi lahaayeen wax kasta oo qalqal gelin kara, isagoo ku eedeeyay madaxda Soomaalida inay gacan saar la leeyihiin cadawga Itoobiya.

Taliyaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay sanadguuradii 47-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidamada bariga Itoobiya oo todobaadkan lagu qabtay magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Field Marshal Birhanu waxa uu ka digay waxa uu ugu yeedhay cadawga taariikhiga ah ee ujeedadoodu tahay in ay hor istaagaan horumarka Itoobiya, iyaga oo taageero ka helaya calooshood u shaqeystayaal iyo khaa’inul waddan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada ay ka go’an tahay nabadda gobolka, gaar ahaan Soomaaliya oo ay ciidamada Itoobiya ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo markii Itoobiya ay bishii January saxeexday heshiis muran badan dhaliyay oo ay ku kiraysay 20 KM oo ka mid ah xeebaha Somaliland si ay u aqoonsato madaxbannaanida Somaliland. Muqdisho waxay cambaareysay heshiiskaas oo ay ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanida dhuleed, waxayna ka aargoosatay inay ceyriso safiirkii Itoobiya, waxayna ku hanjabtay inay meesha ka saarayso ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Xaalada ayaa waxaa sii cakiray warar dhawaan soo baxay oo sheegayay in Masar ay hub geysay Soomaaliya iyadoo heshiis dhanka difaaca ah. Itoobiya ayaa khatar weyn u aragta iskaashiga sii kordhaya ee Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan marka la eego walaaca Masar ay ka qabto biyo xireenka weyn ee Itoobiya (GERD) iyo xuquuqda biyaha webiga Niil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here