Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa magaalada Muqdisho kulan is xog wareysi ah kula yeeshay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh
Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo Guriyeynta XFS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan Golaha Shakabka JFS.
Gudoomiye Cumar Faraweyne ayaa masuuliyiinta warbixin ka siiyey xaaladda guud ee Magaalada Kismaayo iyo Mashaariicda Horumarineed ee ka socda,
Waxaana la isku raacay in laga wada shaqeeyo horumarinta Kismaayada cusub.