Wararkii u dambeeyay dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Galgaduud.

0
42

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay xalay dil toogasho ah ku fuliyeen nin iyo xaaskiisa oo ka dhacay deegaan u dhaxeeya Godinlabe iyo Cadaado.

Dadka la dilay, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cilmi Cumar, oo ka soo jeeda Magaalada Cadaado iyo Xaaskiisa, waxaana lagu dhex dilay gurigooda, iyadoo falkan uu u muuqdo mid aargoosi ah oo ay salka ku hayso aanooyin qabiil.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, raggii dilka geystay oo la rumeysan yahay inay ka soo jeedaan deegaanka Dhuusamareeb, ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday, ka dib markii ay dab qabadsiiyeen guriga lamaanaha. Falkan gacan ka hadalka ah ayaa argagax ku abuuray bulshada dhexdeeda, taasoo muujinaysa colaad beeleedyo ragaadisay gobolka.

Dadka deegaanka ayaa baqdin iyo caro ka muujiyay dhacdadan oo sii kordhineysa colaadaha la xiriira aanooyinka qabiil ee ka taagan Galgaduud. In kasta oo ay jiraan dadaallo ay sameeyeen maamullada maxalliga ah si ay u yareeyaan colaadahaas, gobolku weli wuu kacsan yahay, iyadoo inta badan ay ka dhashaan muranno la xiriira dhulka, kheyraadka biyaha, iyo qabiilka taariikhiga ah.

Laamaha ammaanka ayaa lagu soo waramayaa inay wadaan baaritaano ku aadan weerarkaasi, balse ilaa hadda ma jirto cid loo soo qab qabtay weerarkaasi, waxaana xaaladu ay tahay mid kacsan.

Dhacdadaan ayaa hoosta ka xariiqeysa caqabadaha dowladda federaalka Soomaaliya kala kulmeysa xakameynta dagaal beeleedyada iyo xaqiijinta ammaanka dhulka miyiga ah oo inta badan ay ka taliso dowladda.

Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in ay u fiirsato dagaal beeleedyada sii xoogeysanaya ee ka socda Soomaaliya, iyadoo lagu baaqay in la kordhiyo taageerada lagu xasilinayo gobolka, loogana hortagayo khasaaraha nafeed ee ka dhasha colaadaha u dhaxeeya beelaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here