ONLF oo cambaareysay eedeynta taliyaha ciidamada Itoobiya oo ku tilmaantay mid halis ku ah heshiiskii nabadda ee 2018-ka.

0
42

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO) ayaa cambaareysay hadal dhawaan kasoo yeeray taliyaha ciidamada militariga Itoobiya General Berhanu Jula, kaasoo uu ku eedeeyay kooxdan inay yihiin cadaw qaran oo la sheegay in Masar ay abuurtay.

ONLF, oo ah xisbi siyaasadeed oo si sharci ah loo aqoonsan yahay, ayaa ku baaqday in si degdeg ah dowladda Itoobiya ay u caddeyso Khamiistii, iyadoo ka digtay in hadaladan oo kale ay halis ku yihiin heshiis nabadeed oo 2018-ka.

Faallooyinka muranka dhaliyay ayaa lagu soo waramayaa in lagu sheegay muuqaal laga sii daayay Ethio-Forum Sebtember 8, 2024, halkaas oo lagu arkay Jeneraal Jula oo ONLF ku eedeeyay in ay ka soo horjeedo danaha Itoobiya.

JWXO waxay bayaankeeda ku tilmaantay eedaymahaas kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo wax u dhimaya geedi socodka nabadda. “Hadaladaas waxay wax u dhimayaan heshiiskii nabadeed ee 2018-kii iyo kalsoonidii la dhisay muddo sannado ah, waxaan ugu baaqaynaa dowladda Itoobiya iyo Jeneraal Jula inay si deg-deg ah u caddeeyaan xaqiiqada dhabta ah ee muuqaalkaas, ayna diidaan hadalkaas haddii si khaldan loo dhigay,” ayay ONLF raacisay. “Haddii warku run yahay, dawladdu waa in ay si degdeg ah uga hawlgashaa sidii ay iskaga fogayn lahayd hadalada waxyeellada leh.”

Heshiiskii 2018-ka ee lagu kala saxiixday magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa soo afjaray colaad muddo tobanaan sano ah u dhaxeysay ONLF iyo Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen nabad kuwada noolaanshaha iyo iskaashiga, gaar ahaan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Heshiiska nabadeed oo ONLF ay hubka dhigtay si ay aqoonsi siyaasadeed u hesho, ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xalinta xiisadaha muddada dheer ka taagnaa gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, eedeymihii ugu dambeeyay ayaa dhaliyay walaac ku saabsan mustaqbalka nabaddan jilicsan.

Si kastaba ha ahaatee, ONLF ayaa ku celisay inay nabadda ka go’an tahay, balse waxay ka digtay in haddii aan wax laga qaban daandaansigan ay ku qasbi karto ururka inay dib u qiimeeyaan xiriirka ay la leeyihiin dowladda. “Ma ogolaan doono in sharcigayaga, ama kalsoonida lagu dhisay heshiiska nabadda la wiiqo,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here