Soomaaliya oo bilaabaysa qodista saliidda gunta hoose ee badda iyadoo ay caawinayso Turkiga bisha Abriil 2025.

0
50

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa maanta oo Khamiis ah shaaca ka qaaday in Dowladda Turkiga ay bilaabayso bisha April ee sanadka 2025-ka howl-gallo shidaal qodis ah oo ay ka sameynayaan Badda Soomaaliya.

Wasiirka oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, ayaa ku nuux-nuux saday in diyaar garowgu uu socdo, isla markaana Shidaalku uu leeyahay awood muuqda oo Soomaaliya looga saarayo Faqriga, isla markaana kor loogu qaadi karo dhaqaalaheeda.

“Waxaa jira 13 goobood oo shidaal laga baarayo badda, kuwaasoo ku kala yaalla gobollada Jubbaland, Galmudug, Koonfur-galbeed iyo Hirshabeelle, kuwaasoo la filayo in laga qodo,” ayuu yiri Maxamed. Sidoo kale waxaa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay shirkad laga leeyahay dalka Qatar ay la gashay heshiis shidaal baaris ah oo laga sameeyay saddex goobood oo dhul ah oo ay ka mid tahay degmada Afgooye.

In kasta oo Soomaaliya ay baddeeda ku leedahay in ka badan 200 oo baloog oo shidaal ah, haddana lama samayn sahan dhammaystiran sababo la xidhiidha walaacyo amni iyo colaado gudaha ah oo jira awgeed, sida ay qabaan khubarada warshadaha.

Horraantii bishii Maarso, Soomaaliya waxa ay Turkiga la saxiixatay heshiis cusub oo saliid iyo gaas ah kaas oo ay saraakiishu sheegeen in uu gacan ka geysan doono iskaashiga dhanka sahaminta iyo ka faa’iidaysiga tamarta. Heshiisku wuxuu quseeyaa aagga dhaqaale ee gaarka ah ee Soomaaliya iyo sahaminta dhulka, iyadoo lagu beegsanayo kaydka kaarboon-karboonka oo aan weli si buuxda loo horumarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here