Mas’uuliyiinta Baardheere oo Mamnuucay Indho-shareerka, iyadoo ay jiraan tallaabooyin cusub oo dhinaca ammaanka ah.

0
39

Mas’uuliyiinta maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo boqolaal dadweyne ah isugu soo ururiyay degmadaas meel fagaare ah ayaa u sheegay in ay mamnuuceen xirashada indho shareerka iyo isticmaalka mootooyinka labada lugood leh oo si weyn looga isticmaalo degmadaasi.

Mas’uuliyiinta degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa isugu yimid kulan la xiriira mamnuucidda indho shareerka iyo isticmaalka mootooyinka labada lugood leh oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne ah .

Saraakiisha ayaa ku dhawaaqay in si deg deg ah loo dhaqan geliyo.Awaamiirtan ayaa haweenka ka mamnuucaysa in ay xirtaan niqaabka -dharka wajiga qarsada marka laga reebo indhaha ayaa la mamnuucay,sida ay sheegeen saraakiisha.

Guddoomiyaha degmada Baardheere Aadan Dhegacadde ayaa sheegay in haweenka ay mamnuuc ka tahay inay xirtaan indho-shareerka, isla markaana wadayaasha mootooyinka labada lugood leh la siiyo muddo 15 maalmood ah.

Xayiraadda ayaa ujeedadeedu tahay in wax laga qabto walaacyada amniga, iyadoo mas’uuliyiintu ay ka baqayaan in indho-shareerka loo isticmaalo si loo qariyo aqoonsiga loona fududeeyo dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah.

Taliyaha qeybta 49-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha ugu sareysa ayaa si wadajir ah u sheegay in amaradan ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo amniga degmada iyo deegaanada hoostaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here