Sweden ayaa lacag gaareysa 34,000 oo dollar ugu yaboohaysa qaxootiga oo ay ku jiraan Soomaalida, taasoo qeyb ka ah siyaasadda cusub ee lagu dhimayo dadka soogalootiga ah iyo wax ka qabashada caqabadaha la xiriira isdhexgalka. Kaalmadan lacageed ayaa la siin doonaa qaxootiga si iskood ah ugu noqda dalalkooda, taasoo muujineysa isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda socdaalka ee Sweden.
Talaabadan cusub oo dhaqan gali doonta sanadka 2026-ka ayaa waxaa lasiin doonaa ilaa 350,000 oo karoon Swedish ah una dhiganta ilaa 34,000$ oo lasiin doono qaxootiga doorta in ay ku laabtaan wadankii ay ka yimaadeen. Tallaabadan ayaa waxaa taageeray xisbiga Sverigedemokraterna ee ka soo horjeeda soo galootiga, kaasoo u ololeynayay in la adkeeyo kontoroolka socdaalka.
“Waxaa isbedel weyn ku socdaa siyaasaddayada socdaalka,” ayuu yiri Johan Forssell, wasiirka socdaalka ee Sweden, mar uu warbaahinta la hadlayay. Siyaasaddu waa qayb ka mid ah istaraatijiyad ballaadhan oo dawladdu ku dhimayso socdaalka.
Kaalmada dhaqaale ee qaxootiga soo laabanaya hadda waa 10,000 karoon qof kasta, 5,000 karoon ilmo, iyo 40,000 karoon qoyskiiba. Korodhkan ayaa looga gol leeyahay in barnaamijkan uu noqdo mid soo jiidasho leh, maadaama waqtiyadii lasoo dhaafay aan laga faa’ideysan, iyadoo sanadkii hore hal shaqsi uu aqbalay dalabkaas, sida ay sheegtay dowladda Sweden.
Ludvig Aspling oo ah xubin ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna ayaa sheegay in kaalmada dhaqaale oo soo jirtay tan iyo 1984-tii ay tahay mid aan laga faa’ideysan maadaama ay aad u hooseyso. “Haddii dad badan ay ka warqabaan deeqda, iyo lacagta la kordhiyey, waxaan rajeyneynaa in wax badan ay soo laaban doonaan,” ayuu yidhi. Aspling waxa ay aaminsantahay in tani ay ku dhiiri galin karto dhowr boqol oo kun oo muhaajiriin shaqo la’aan ah in ay ku noqdaan dalalkoodii. “Tani waxay dhiirigelin u noqon kartaa dhowr boqol oo kun oo muhaajiriin ah oo ku tiirsan kaalmada dowladda,” ayuu yiri Aspling.
Hase ahaatee, Kaahin Maxamed Axmed, oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada Soomaalida, ayaa shaki ka muujiyay waxtarka barnaamijkan. Isagoo la hadlayay BBC-da, Axmed ayaa ku dooday in lacagta la soo bandhigay aysan ku filneyn qaxooti badan oo Soomaali ah si ay u helaan nolol xasilloon oo dalkooda ku sugan.
“Qofka Soomaaliga ah ee ku laabanaya Soomaaliya, $35,000 meel fog ma aadi doonto, kaliya in la dhiso guri yar oo afar qol ah waxa ay ku kacaysaa ugu yaraan $60,000, qoysaskuna waxay weli u baahan yihiin lacag ay ku bixiyaan kharashaadka nolosha, waxbarashada iyo caafimaadka,” ayuu yiri Axmed. Waxa uu intaa ku daray in haddii taageerada dhaqaale ay ku filan tahay in la bilaabo ganacsi ama la dhiso guri, siyaasaddu waxay u badan tahay in ay aragto guulo baahsan.
Iswiidhan waxay in badan la halgamaysay sidii ay u dhexgeli lahayd dadkeeda soogalootiga ah. Cilmi-baaraha socdaalka Joakim Ruist ayaa ka digay in kordhinta kaalmada dhaqaale ee muhaajiriinta soo laabanaya ay diri karto fariin ah in soogalootiga aan la soo dhawaynayn, taas oo sii adkaynaysa dadaallada isdhexgalka.
Axmed ayaa tilmaamay in qaxootiga ay wax weyn ku soo kordhiyeen dhaqaalaha iyo bulshada Sweden. “Boqolkiiba 80 darawaliinta gaadiidka dadweynaha, oo ay ku jiraan tareenada, basaska, iyo tagaasida, waa asal qaxooti. Shantii dhaqtarba mid iyo mid ka mid ah afartii dhakhtar ilkood ayaa sidoo kale ka soo jeeda asal qaxoonti,” ayuu yiri Axmed oo intaas ku daray in qaxooti badan ay ka shaqeeyaan adeegyada muhiimka ah. sida daryeelka caafimaadka iyo nadaafadda.
Dhiirigelinta soo noqoshada cusub ee Iswiidhan waxay daba socotaa siyaasado la mid ah kuwa dalalka deriska ah. Denmark ayaa bixisa in ka badan $15,000 qofkiiba, halka Norway ay siiso ilaa $1,400, Faransiiska $2,800, iyo 2,000 oo doolar oo Jarmal ah ay siiso muhaajiriinta si iskood ah ugu noqda dalalkooda.
Ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson, oo xilka qabtay 2022, ayaa hogaaminaya dowlad wadaag ah oo uu ku jiro xisbiga Sverigedemokraterna. Dowladiisa ayaa wacad ku martay in ay dhaqan galin doonto shuruuc badan oo dhanka socdaalka ah ayna la dagaalami doonto dambiyada.
Xisbiga Sverigedemokraterna, oo helay 20.5% codadkii doorashada 2022, ayaa noqday xisbiga labaad ee ugu weyn Sweden, isagoo u ololeynaya siyaasad adag oo dhanka socdaalka ah.
Tan iyo 1970-meeyadii, Iswiidhan waxay caan ku ahayd siyaasaddeeda bini’aadantinimo, waxayna qaadatay qaxooti tiro badan oo ka soo qaxay goobaha colaadaha sida Soomaaliya, Suuriya, Afgaanistaan iyo Ciraaq. Sannadkii 2015-kii, oo ahayd meeshii ugu sarraysay ee dhibaatada socdaalka Yurub, Sweden waxay aqbashay 160,000 oo magangalyo doon ah, waana in ka badan waddan kasta oo Midowga Yurub ka mid ah wakhtigaas.
Si kastaba ha ahaatee qulqulka qaxoontiga ayaa cadaadis ku saaray nidaamka daryeelka dalka Iswiidhen, waxaana sii ballaartay sinnaan la’aanta dhaqaale, gaar ahaan iyadoo heerka shaqo la’aanta soo galootiga ay tahay mid aad u sareysa. Qalalaasihii 2015-kii ayaa isbedel ku sameeyay siyaasadda soo galootiga ee Sweden, iyadoo xisbiga Socialdemokraterna ee markaas talada hayay uu qiray in waddanku uusan sii wadi karin habka albaabada u furan.
Sanadihii la soo dhaafay, labada dowladood ee garabka bidix iyo kuwa midig waxay sameeyeen tallaabooyin lagu xakameynayo socdaalka, oo ay ku jiraan soo bandhigida ogolaanshaha joogitaanka ku meel gaarka ah, adkeynta sharciyada mideynta qoyska, iyo sare u qaadida shuruudaha dakhliga ee fiisaha shaqada ee muwaadiniinta aan EU-da ahayn.