Wafdi ka socda saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa socdaal ku maraya gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, iyagoo u kuurgalaya xaaladda amni ee deegaannadaas.
Saraakiisha ayaa u kuur galay xaalada ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka ee abaabulan ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Saraakiisha ayaa warbixino faah faahsan ka dhageystay ciidamada ku sugan deegaanka, waxaana ay kala hadleen ciidamada iyo ciidamada deegaanka oo abaabulan sidii loo dar dar gelin lahaa, loona dar dar gelin lahaa howlgalada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa warbixino faah faahsan ka siiyay saraakiisha hogaamineysa ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada ku sugan jiidaha dagaalka iyagoo balan qaaday inay sii laba jibaari doonaan sugida amniga deegaanada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday dagaal guud oo ka dhan ah Al-Shabaab inta dalka laga xoreynayo, waxaana uu sheegay in la joogo waqtigii la isugu soo wada jeesan lahaa sidii cadowga looga guuleysan lahaa, waxaana uu tilmaamay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamadu ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobollada dalka ay guulo waaweyn ka gaareen.