Duulimaadyadii tagi jiray Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo hakad ku jira iyadoo ay sii kordheyso xiisada u dhaxeysa Ciidamada Puntland.

0
65

Duulimaadyadii caalamiga ahaa iyo kuwii gudaha garoonka Boosaaso ayaa si lama filaan ah loo joojiyay maanta oo Axad ah,kadib markii ay sii korortay xiisadda u dhaxeysa ciidamada PSF iyo kuwa badda Puntland ee PMPF. Xaalada ayaa salka ku haysa ismari waa u dhaxeeya ciidamada PSF ee daacada u ah General Asad Diyaano iyo madaxda maamul goboleedka Puntland, taasoo dhalisay cabsi laga qabo in rabshado ay ka dhacaan gudaha iyo hareeraha garoonka diyaaradaha.

Sida aan Wararka ku heleyno Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa ku wargelisay Shirkadaha Diyaaradaha khataraha dhanka amaanka ah, iyagoo ka dalbaday in la joojiyo duulimaadyada Boosaaso, maadaama xiisadaasi ay gaartay meel halis ah. Shirkado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Daallo iyo Ethiopian Airlines ayaa la sheegay inay u hoggaansameen amarkaas, iyagoo joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen garoonka.

Xiisadan ayaa la sheegay in ay cirka isku sii shareertay kadib markii ciidamada PSF loo diiday in ay galaan garoonka si ay u daad gureeyaan askarta dhaawaca ah, taasi oo sii xoojisay khilaafka u dhaxeeya ciidamada iyo dowladda Puntland. PSF ayaa tan iyo markii ay soo baxday digniin u dirtay dadka rayidka ah ee ku dhow garoonka diyaaradaha, iyagoo uga digay khatarta ka dhalan karta, maadaama xaaladdu ay ka sii dari karto daqiiqad kasta.

Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa ahaa goob colaadeed tan iyo 11-kii Sebtembar 2024, markaasoo mas’uuliyiinta Puntland ay diideen in askartii PSF-ta ee ku dhaawacmay dagaalladii hore loo dhoofiyo si loogu soo daweeyo. PSF oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa soo saartay bayaan ay ugu baaqayso dadka rayidka ah in ay ka fogaadaan aaggaas, taas oo kor u qaadeysa welwelka laga qabo in ay sii kordhaan rabshadaha.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Puntland ay ku cadaadisay shirkadaha diyaaradaha in ay ka soo degaan garoonka inkastoo ay jiraan khataro dhanka ammaanka ah oo ay ku andacoonayaan in ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto sugidda amniga. Si kastaba ha ahaatee, shirkadaha diyaaradaha ayaa diiday inay u hoggaansamaan, iyagoo sabab uga dhigaya khatarta sii kordheysa iyo digniinaha ay soo saartay PSF.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo ka hadlay xiisadaasi ayaa sheegay in Boosaaso aysan ka jirin labo dowladood, isagoo caddeeyay in maamulka iyo gacan ku haynta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ay leeyihiin Dowlad Goboleedka Puntland. Hadalkan ayaa jawaab u ahaa joogitaanka iyo saamaynta ay PSF ku leedahay agagaarka garoonka diyaaradaha, taasoo sii hurisay xiisadda labada dhinac.

Ma ahan markii ugu horeysay oo magaalada Boosaaso ay ka dhacdo xiisado noocaan oo kale ah. Dagaalo hore oo dhexmaray ciidamada PSF-ta iyo kuwa Puntland ee loo yaqaan Daraawiishta ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha. Iyadoo aakhirkii la xaliyay dhacdooyinkan, ismariwaaga hadda taagan ayaa waxa uu sare u qaaday cabsida laga qabo in rabshado kale dhacaan.

Xiisadan ayaa la sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay joojisay duulimaadyadii tagi jiray magaalada Boosaaso, taasi oo xoojinaysa digniinaha Hay’adda Duulista Hawada. Maamulka Puntland, ayaa jawaab ka bixiyay hanjabaad ay ku sheegeen inay ka mamnuucayaan shirkadaha diyaaradaha inay ka soo dagaan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, haddii ay u hogaansamaan amarka joojinta ee dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here