Ugu yaraan 64 qof oo laga cabsi qabaa inay ku dhinteen shil doon oo ka dhacay Nigeria.

0
45

Ugu yaraan 64 qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen shil doon oo ka dhacay webi ku yaalla gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed ee Nigeria, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah Sabtidii (Sebtember 14).

Doon alwaax ah oo ay la socdeen 70 beeraley ah ayaa ku degtay xilli ay wabiga ka gudubtay si ay u gaaraan beerahooda oo ku dhow magaalada Gummi subaxnimadii Sabtida. Maamulka deegaanka ayaa si deg deg ah dadka deegaanka u abaabulay gurmad, saddex saacadood ka dib, lix qof oo badbaaday ayaa laga soo saaray biyaha.

“Waa markii labaad oo shil noocaan oo kale ah uu ka dhaco deegaanka Gummi,” ayuu yiri Aminu Nuhu Falaale, oo ah maamulaha deegaanka oo hormuud ka ahaa gurmadka.

Wuxuu intaas ku daray in kooxaha gurmadka ay xoojiyeen baaritaankooda iyagoo rajeynaya inay helaan dad badan oo badbaaday.

In ka badan 900 oo beeraley ah ayaa maalin walba ku tiirsan ka gudbidda webiga si ay u helaan dhul beereedkooda, balse labo doonyood oo kaliya ayaa diyaar ah, taasoo inta badan keenta ciriiri, ayuu yiri madax dhaqameedka deegaanka.

Gobolka zamfara oo ay horey u dhibaateeyeen kooxo dambiilayaal ah oo doonaya in ay gacanta ku dhigaan kheyraadka macdanta, ayaa sidoo kale waxaa si aad ah u saameeyay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah. Laba toddobaad ka hor, daadadku waxay barakiciyeen in ka badan 10,000 oo qof oo degganaa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here