Ciidamada Booliska Somaliya Oo Gacanta Ku Dhigay Hub Badan oo sharci darrada ah.

0
46

Howlgallo lagu baacsanayo ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, ayaa ciidamada Booliska Muqdisho waxa ay ku soo qabteen hub fara badan oo sharci darro ah, oo ay ku jiraan qoryaha darandooriga u dhaca ee Ruushka lagu sameeyo, iyadoo Khamiistii la soo qabtay afar tuhmane. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladdu xoojisay ee lagu dhaqan gelinayo mamnuucidda ka ganacsiga hubka, soo dejinta iyo dhoofinta hubka ee guud ahaan dalka, kaddib go’aan dhawaan ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay 33 Qori oo AK-47 ah iyo 4 qori oo PKM ah, inta uu socday howlgalka. Eedeysanayaashan ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin ka ganacsiga Hubka sharci darrada ah, taasoo sii hurineysa colaadda iyo xasillooni darrada ka jirta gobolka. Hawlgalka booliska ayaa lagu amaanayaa inuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagula dagaalamayo hubka aan sharciyeysneyn, kaasoo muddo dheer dalka ragaadiyay.

Qabashada hubkan ayaa daba socota qaraar bishii Luulyo 2024 ka soo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya kaas oo mamnuucayay in hay’adaha aan dowliga ahayn ay soo dejiyaan, dhoofiyaan, sameeyaan, ama ka ganacsadaan hub iyo qalab ciidan. Qaraarkan oo looga gol leeyahay in lagu xakameeyo hubka sharci darrada ah ee ku soo badanaya Soomaaliya ayaa bog cusub u ah sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay soo celinta nabadda iyo amniga dalka.

Isla maalintii ay gacanta ku dhigeen Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Axmed Fartaag ayaa shir guddoominayay kulankii ugu horeeyay ee looga hadlay dhaqan gelinta go’aankan. Kulanka ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin ka kala socday qeybaha muhiimka ah sida Booliska, Garsoorka, iyo Nabadsugida, si ay u xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan dhaqan gelinta mamnuucidda ka ganacsiga hubka.

Intii uu socday kulanka, Fartaag ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo burburinta shabakadaha ku lugta leh ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay sida ay dowladda uga go’an tahay in hubku uusan u gacan gelin kooxaha dambiilayaasha ah iyo kuwa aan dowliga ahayn. Waxa uu ku booriyay hay’adaha ay khuseyso in ay sii wadaan wada shaqeyntooda si loo ilaaliyo shuruucda cusub iyo xoojinta amniga Soomaaliya.
Qabashada afarta eedaysane ayaa la filayaa in ay horseeddo baaritaanno dheeraad ah oo lagu sameeyo shabakado hub sharci darro ah oo ka howlgala gudaha iyo dibadda xuduudaha Soomaaliya. Dawladdu waxay muujisay sida ay uga go’an tahay horumarinta amniga iyo xasilloonida iyadoo la jarayo saadka hubka ee awood siiya maleeshiyaadka iyo ururada dambiilayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here