Laftagaren oo aqbalay ka qeyb galka shirka NCC ee ka dhacaya magaalada Muqdisho iyadoo dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ay ku heshiiyeen.

0
41

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa heshiis horudhac ah ku gaaray in la qaboojiyo xiisada ka dhalatay soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee maalmihii la soo dhaafay sii xoogeysanayay oo halis gelinaya xasiloonida Gobolka. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la joojiyo hadalada xanafta leh, waxaana la sii wadi doonaa dooda inta uu socdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhamaadka bishan ka furmaya Muqdisho.

Saraakiil uu horkacayo General Mahad C/raxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa u ambabaxay Magaalada Baydhabo, si uu u hoggaamiyo dadaallada dhex dhexaadinta ah, iyagoo wada hadallo labo maalmood qaatay kula yeeshay Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen. Wadahadalladani waxay si guul leh u xaliyeen qodobbo is-jiid-jiid ah, iyadoo labada dhinacba ay ballan-qaadeen inay ka shaqeynayaan sidii xal waara looga gaari lahaa.

General Mahad iyo wafdigiisa ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Baydhabo kulamo dheer kula qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen. Wadahadalladan ayaa la sheegay in ay ka dhasheen isfaham.
Madaxweyne Laftagareen ayaa aqbalay ka qeyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee 25-ka bishan September ka furmaya magaalada Muqdisho. Inta uu ku sugan yahay caasimadda ayaa la filayaa in uu kulamo kale la yeesho madaxda dowladda Federaalka, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Horaantii bishaan, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa booqasho ku tagay magaalada Baydhabo, isagoo la kulmay Laftagareen oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin qorshaha bixitaanka ciidamada Itoobiya ee sanadka 2024-ka.
Duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Baydhabo ayaa si ku meel gaar ah loo hakiyay subaxnimadii Talaadada, inkastoo Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya (SCAA) ay beenisay in wax si rasmi ah loo hakiyay duulimaadyadii maalinlaha ahaa.

Khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sii xoogaysanayay bilihii u dambeeyay, kaas oo ay dabada ka riixaysay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland. Heshiiskan oo u ogolaanaya Itoobiya inay gasho xeebta Badda Cas ee Somaliland, ayaa dawladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah qaranimadeeda. Sidaas darteed, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ciidamada Itoobiya laga saaro howlgalka cusub ee taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo la qorsheeyay in uu beddelo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) sanadka 2025-ka.

Mudaaharaadyo ayaa horaantii bishan ka dhacay gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka iyo dadka deegaanka ay sheegeen inay taageersan yihiin ciidamada Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa wali ku kala qeybsan. Qaar waxay taageersan yihiin joogitaanka Itoobiya, halka qaar kalena ay la safan yihiin qorshaha Dowladda Federaalka ay ku dooneyso in lagu bedelo ciidamada Masar. Saamaynta sii kordheysa ee Masar ku leedahay Soomaaliya oo dhawaan heshiis dhanka difaaca ah la saxiixatay dowladda Soomaaliya ayaa noqotay qodob kale oo la isku hayo.
Labada Maamul ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa si cad uga soo horjeestay qorshaha Dowladda Federaalka ay ku dooneyso in Ciidamada Itoobiya dalka looga saaro dhamaadka sanadka 2024-ka, iyagoo muujiyay walaaca ay ka qabaan in uu meesha ka baxo ammaanka. Ciidamada Itoobiya ayaa hadda ku sugan goobo muhiim ah oo ku yaalla guud ahaan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, sida gobollada Bakool iyo Gedo.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa ka digay in lala safto Itoobiya, isagoo tixraacaya doorka taariikhiga ah ee uu dalku ku leeyahay cadow ku ah dhulka Soomaaliyeed.

Dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa ka digay in ku lug lahaanshaha Soomaaliya ee loolanka sii kordhaya ee Masar iyo Itoobiya, gaar ahaan wabiga Niil iyo biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ay sii kordhin karto xiisadda gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here