Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay deegaanka Tugaarey oo qiyaastii 25 KM dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxa miinada ayaa la sheegay in uu ka dhacay guri ay degan yihiin dad rayid ah oo ku yaala tuulo lagu magacaabo Tugaarey, waxaana la xaqiijiyay in ay ku geeriyootay gabar yar oo sagaal jir ah, halka hooyadeed iyo labo ka mid ah eedadeed ay ku dhaawacmeen.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa ay maqleen, balse aysan garan karin cidda ka dambeysay qaraxa ka dhacay guriga ay ku sugnaayeen dad shacab ah. Dadka ku waxyeeloobay qaraxa ayaa la sheegay in dawooyin loo keenay degmada Walanwyen.
Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka Nabad Suggida ee Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa tagay guriga uu qaraxa ka dhacay, iyagoona baaritaano adag ka sameeyay gurigaasi. Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan baaritaanada inta laga helayo cadaalada.