Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay hub iyo saanad aan la fasaxin oo laga keenay dalka Itoobiya, lana geynayo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa ku tilmaantay falkaas mid xad-gudub weyn ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, khatar weynna ku ah amniga qaranka iyo kan gobolka.
“Cadeymo la diiwaan geliyay ayaa xaqiijinaya imaatinka labo baabuur oo hub ah oo ka soo qaaday Itoobiya kuna sii jeeday gobolka Puntland ee Soomaaliya, kuwaas oo la toogtay iyada oo aan wax xiriir diblomaasiyadeed ama fasax ah la helin,” ayay wasaaraddu ku tiri hadal ay soo saartay Jimcihii. “Falkani wuxuu muujinayaa meel ka dhac cad oo lagu sameeyay madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.”
Dowladda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay sida ay Itoobiya ugu hogaansanto shuruucda caalamiga ah iyo sida ay ugu heelan tahay xasiloonida gobolka, iyadoo xustay in dhacdadani aysan ahayn mid kali ah.
“Dhacdadan ugu dambeysay waxay ka tarjumaysaa shixnad hub ah oo aan sharciyeysneyn oo ka yimid Itoobiya, iyadoo la soo sheegayo in hub si la mid ah loogu daabulay deegaannada Galmudug iyo kayd kale oo diyaarad lagu keenay Baydhabo,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Dhaqdhaqaaqyada noocan oo kale ah ee soo noqnoqda waxay muujinayaan ixtiraam la’aan joogta ah oo lagu hayo madax-bannaanida Soomaaliya.”
Soomaaliya waxay dalbatay in si degdeg ah loo joojiyo xadgudubyadan ay waddo Itoobiya waxayna ugu baaqday saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah inay cambaareeyaan xadgudubka ayna xoojiyaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dib u xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay in arrimaha lagu xalliyo wada hadal diblomaasiyadeed iyo qaab-dhismeed iskaashi,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-murtiyeedka.