Wabiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

0
41

Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose waxaana uu saameyn ku yeesho deegaanka Sabiib ee hoostaga degmada Afgooye iyadoo dadka deegaanka ay soo wajahday xaalad adag taasoo keentay digniino horudhac ah oo kasoo baxay Hay’adaha ku shaqada leh .

Dadka deegaanka ayaa sheegay in daadadku ay saameyn ku yeesheen dalagyadii ay beerteen. “Beerahayaga waxaa baabi’iyay biyaha daadku. Waxaan ka baqaynaa in xaaladdu ay ka sii darto,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale dadka ku nool magaalada Afgooye ayaa walaac ka muujinaya fatahaadda webiga Shabeelle oo xad dhaaf ah, iyadoo waddooyinka qaar ay go’an yihiin.

Shacabka ku dhaqan deegaanadaasi ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed in ay si deg deg ah uga jawaabaan oo ay u arkaan sida ay wax u socdaan.

Qaar ka mid ah ciidamada dowladda ayaa ka qeyb galay gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaada wabiga Shabelle, si loo xaqiijiyo ammaanka dadka deegaanka.

Wabiga Shabeele ayaa ah mid taariikh u leh fatahaado iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka, waxaana xaaladdu ay sii kordhisay dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka deegaanka.

Iyadoo laga jawaabayo fatahaada Soomaaliya ee SODMA ayaa dhowr jeer soo saartay digniino taasoo muujineysa khatarta daran ee ka dhalan karta fatahaada webiyada.Hay’adda ayaa ugu baaqday dadka ku nool hareeraha webiga inay si deg deg ah uga guuraan si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here