Wasiirka Arrimaha Gudaha soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee 10-aad ee sanadlaha ah.

0
68

Istanbul Isagoo ka hadlayay shirka caalamiga ah ee sanadlaha ah ee 10-aad oo ay soo qabanqaabisay Global Somali Diaspora oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Cali Yuusuf Xoosh ayaa sheegay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay kaalin mug leh ka qaataan horumarinta iyo dib u dhiska dalka.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee xirfada leh ee qurbaha ku nool in ay dalka la yimaadaan aqoontooda iyo xirfadooda kana qeyb qaataan hanaanka dowlad wanaaga, isbadalka iyo horumarka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Xoosh ayaa ku ammaanay qurbajoogta Soomaaliyeed sida weyn ee ay uga qeyb qaadanayaan horumarka iyo horumarka dalka, waxaana uu kula dar daarmay in ay maalgashadaan oo ay sii laba jibaaraan dadaalkooda maadaama dalka uu dib u habeyn ku sameeyay dhinacyo badan. .Waxa uu tilmaamay in ka qayb galka joogtada ah ee ay ku leeyihiin horumarka dalka ay tahay mid qiimo badan.

Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii qurbajoogta dalka dibadiisa ugu soo kordhin lahaayeen aqoontooda iyo xirfadooda iyo sidii loo abuuri lahaa jawi wanaagsan oo dadka ku soo laabanaya dalkooda ay si toos ah uga qayb qaadan lahaayeen kobaca dhaqaalaha dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here