Markabka Goodness oo ka soo shiraacday Turkiga 3,000 oo tan oo gargaar bini’aadantinimo ah oo loogu talagalay Soomaaliya.

0
40

Turkiye Markabkii Wanaagsanaa ee siday 3,000 oo tan oo gargaar bini’aadantinimo ah oo loogu talo galay Soomaaliya ayaa ka ambabaxay magaalada Mersin ee koonfurta dalka Turkiga Axadii shalay.

Gargaarkan oo ay iska kaashadeen hay’adda ka hortagga masiibooyinka iyo xaaladaha deg-degga ah ee AFAD oo ay taageerto hay’adda bisha cas ee Turkiga iyo hay’ado kala duwan ayaa lagu soo raray markabka GHADA.

Xafladda sagootinta ah, ayaa madaxweynaha AFAD, Okay Memis waxa uu sheegay tan iyo 2016-kii, intii uu talada hayay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, in Turkigu uu gaadhsiiyay in ka badan 60,000 oo tan oo gargaar ah dalka ku yaalla Bariga Afrika, kaas oo u nugul masiibooyinka dabiiciga ah, oo ay ka mid yihiin abaaro, macaluul, fatahaado, iyo duufaanno. .

Waxa uu ku nuux-nuux saday sida ay uga go’an tahay Turkiga sidii ay u caawin lahayd dadka u baahan gudaha iyo guud ahaan gobollada dalka, isaga oo tilmaamay wax-qabadka muuqda ee ururada bulshada rayidka ah iyo samafalayaasha.

Khudbadaha ka dib, markabkan oo sida 130,000 oo xirmo oo raashin ah oo ay la socdaan noocyo kala duwan oo raashiin ah, agab nadaafadeed, dhar, iyo agabka hoyga ayaa laga dejiyay dekedda Muqdisho.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay guddoomiyaha gobolka Mersin Ali Hamza Pehlivan, madaxweyne ku xigeenka hay’adda bisha cas ee Turkiga Ramazan Saygili, agaasimaha gobolka AFAD Cenk Yildiz, iyo mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here