Ciidamada Maamulka Khaatumo ee SSC oo howlgalo ka dhan ah Maandooriyaha ka sameeyay Magaalada Buuhoodle.

0
45

Ciidamada amaanka ee maamulka kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa hawlgalo xoogan oo ka dhan ah maandooriyaha iyo maandooriyaha waxa ay ka wadaan deegaano hoos yimaada magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, kuwaas oo maamulkaasi loo magacaabay Cayn.

Ciidamada ayaa bartilmaameedsaday goobo gaar ah oo la sheegay in ay ahaayeen xarumaha ugu muhiimsan ee lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya iyo agabka lagu soo qab-qabto eedaysanayaasha la soo qabtay, waxayna tilmaameen in ay wajihi doonaan nidaamka cadaaladda.

Inta uu socday howlgalkan ayaa ciidamada maamulka SSC-Khaatumo waxa ay sidoo kale ku burburiyeen goobo muhiim ah oo lagu iibin jiray waxyaabaha maanka dooriya si looga hortago falal dambiyeedyo lala xiriirinayo maandooriyaha, waxaana digniin adag loo jeediyay dadka ku howlan waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha ciidanka u qaabilsan la dagaalanka dhaqan xumada iyo maandooriyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkoodu uu sii socon doono ilaa dhamaadka, wuxuuna ku bogaadiyay laamaha amaanka ee maamulka SSC Khaatumo dadaalka ay ugu jiraan la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya.

Dhacdadan lagula dagaalamayo maandooriyaha iyo dambiyada la xidhiidha ayaa waxay ka dhigan tahay tallaabo wax ku ool ah oo maamulka Khaatumo ee SSC uu ku kacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here