Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday guriga uu degan yahay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Suudaan.

0
43

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii todobaadkan lagu qaaday guriga uu magaalada Khartoum ka degan yahay Safiirka Imaaraadka Carabta. Weerarka ayaa lagu soo waramayaa in ay ka danbeeyeen ciidamada Sudan inkastoo ay beeniyeen eedeymahaasi, taa badalkeedana ay weerarka ku eedeeyeen ciidamada gurmad deg dega ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu taageeray dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay si adag u cambaareyneyso weerarka iyo xadgudubka, kaasoo ka soo horjeeda xeerarka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday safaaradda Imaaraadka Carabta ee Khartoum, iyadoo xaqiijineysa sida xooggan ee ay uga soo horjeedo ku xadgudubka sharciga iyo dhaqanka caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa sidoo kale lagu daray in “Soomaaliya ay dib u xaqiijineyso mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah falalkan oo kale, waxayna si aan leex leexad lahayn u diidaysaa wax kasta oo liddi ku ah shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka diblomaasiyadeed.”

Imaaraatka Carabta ayaa durba si adag uga falcelisay ka dib markii la weeraray guriga uu degan yahay safiirka oo ay ku tilmaantay fal ceeb iyo fulaynimo ah.

“Imaaraatka Carabta waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday hoyga uu magaalada Khartoum ka degan yahay madaxa howlgalka Imaaraatka Carabta, kaasi oo ay fulisay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Sudan, taasoo burbur xooggan u geysatay dhismaha,” ayaa lagu yiri. bayaan lagu daabacay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee WAM.

Wasaaradda Imaaraatka Carabta ayaa carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo dhismooyinka diblomaasiyadeed iyo guryaha ay degan yihiin shaqaalaha safaaradda, iyadoo la raacayo heshiisyada iyo kastamka xakameynaya xiriirka diblomaasiyadeed,” ayaa lagu daray qoraalka Imaaraadka.

Ciidamada Suudaan ayaa diiday eedeynta Imaaraatka Carabta ee ah in ciidamadoodu ay duqeeyeen guriga uu magaalada Khartoum ka degan yahay safiirka Imaaraatka Carabta, taas badalkeedana waxa ay ku eedeyeen ciidamada sida degdega ah u taageera dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here