Odayaasha gobolka Hiiraan oo qaaday 36 isbaaro oo sharci darro ah oo caqabad ku ahaa ganacsiga magaalada Beledweyne.

0
38

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ku guuleystay in la qaado isbaarooyin dhowr ah oo yaallay wadada isku xirta Beledweyne iyo Ceel-gaal ee gobolka Hiiraan.

Ugaaska oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye iyo Odayaal dhaqameed kale ayaa u ambabaxay wadada dheer ee xiriirisa Matabaan iyo Beledweyne, si ay u burburiyaan isbaarooyinka, taasoo caqabad weyn ku ah ganacsiga iyo isu socodka dadka deegaanka.

ugu yaraan 36 isbaaro oo sharci darro ah oo ay ciidamo maleeshiyo ah soo dhigteen inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Matabaan ay lacago baad ah uga qaadi jireen wadayaasha gaadiidka xamuulka qaada Ku dhawaad ​​200 oo baabuur oo siday sahay kala duwan ayaa ku xayiran isbaarooyinkaasi iyadoo maleeshiyaadku ay dalbanayeen lacago sharci darro ah.

Isbaarooyinkan ayaa qeyb ka qaatay sare u kac ku yimid qiimaha raashinka ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasin iyadoo ganacsatada ay la daalaa dhacayeen daabulida badeecadaha muhiimka ah, sababo la xiriira xayiraadda la saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here