Puntland oo dhaleeceysay shirka NCC diidayna magacaabista taliyaha cusub ee booliska federaalka.

0
41

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa dhaliilay shirka golaha wadatashiga qaran ee ka socda magaalada Muqdisho iyo magacaabista Taliyaha Booliska dalka.

Dirir oo ka hadlayay magaalada Garoowe maalintii Khamiista ahayd ayaa shaki ka muujiyay in NCC ay wax ka qaban karto arrimaha cakiran ee ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan Baydhabo iyo Puntland.

“Kulanku hadda looma baahna, mana xallin karo arrimaha Soomaaliya ka taagan, ma xallin karo arrimaha Baydhabo iyo Puntland,” ayuu yiri Dirir.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka baaqashadiisa shirka NCC waxay muujineysaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan madaxda Federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dirir waxa uu sidoo kale meesha ka saaray muhiimadda ay leedahay magacaabista Diyaano ee Taliyaha Booliska, isagoo ku nuux-nuux saday in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin mowqifka Puntland ee ku wajahan Dowladda Federaalka.

“Magacaabista Taliyaha Booliska Dowladda Federaalka wax saameyn ah kuma yeelanayso xilka Puntland, waxaan u aragnaa in cid kasta oo Puntland ka soo jeeda oo xil ka qabta Dowladda Federaalka aysan ka baxsaneyn Muqdisho”ayuu yiri Dirir.
General Asad Cismaan C/laahi Diyaano oo ka soo jeeda Maamul Goboleedka Puntland ayaa dhawaan loo magacaabay Taliyaha Booliska Soomaaliya, waxaana uu bedelay Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin oo hadda loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada. Si kastaba ha ahaatee, magacaabista Diyaano ayaa waxaa caqabad kala kulmay madaxda Puntland, maadaama loo arko nin mucaarad ku ah maamul goboleedka hadda jira.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cilmi Lugatoor, ayaa ku nuux-nuux saday in khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka uusan ahayn mid shaqsi, balse uu salka ku hayo khilaaf siyaasadeed. Waxa uu hoosta ka xariiqay in mucaaradnimada Puntland ee ka soo horjeeda madaxda Federaalka ay sii jiri doonto iyadoo aan loo eegin cidda heysata xilka Ra’iisul Wasaaraha ama Madaxweynaha haddii ay siyaasadooda ka hor imaaneyso danaha Puntland.

“Cid kasta oo ku timaada Kursiga Ra’iisul Wasaaraha ama Madaxweynaha Soomaaliya, haddii uu ku shaqeynayo aragti ka soo horjeeda danaha Puntland waan ka soo horjeednaa, xitaa haddii uu ka soo jeedo Puntland” ayuu yiri Lugatoor oo ku baaqay in si deg deg ah loo furo. dib u soo celinta dawladnimada oo ku salaysan dastuurkii lagu heshiiyey.

Xiisada u dhexeysa Puntland iyo Federaalka ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo bishii May ee sanadkii 2023, markaasoo uu ku guul darreystay isku daygii Madaxweynaha Puntland ee ahaa inuu noqdo Ra’iisul Wasaare. Deni ayaa taageeray Madaxweyne Maxamuud intii lagu guda jiray doorashada madaxtinimada ee 2022, iyadoo dad badan oo falanqeeya siyaasadda ay saadaaliyeen in Deni loo dooran doono jagada Ra’iisul Wasaaraha. Si kastaba ha ahaatee, tani ma dhicin, taasoo gacan ka geysatey xiriirka xun ee hadda jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here