Safaarada Itoobiya Oo Xaqiijisay Dhacdo Dhimasho Leh Oo Ay Ku Dhinteen 48 Muhaajiriin Ah Oo Ka Dhacay Xeebaha Jabuuti.

0
42

Safaaradda Itoobiya ee dalka Jabuuti ayaa xaqiijisay in 48-kii qof ee tahriibayaasha ahaa ee sida xun ugu nafwaayay doonidii la qalibantay 01-October 2024 ay ahaayeen muwaadiniin Itoobiyaan ah.

Dhacdadan ayaa waxaa ku lug lahaa labo markab oo buux dhaafiyay oo wadar ahaan 320 tahriibayaal ah ka soo qaaday Yemen kuna sii jeeday dalka Jabuuti.

War qoraal ah oo ay safaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in hannaan xaqiijin ah oo laga sameeyay goobta lagu xaqiijiyay in “dhammaan muhaajiriinta ku lugta leh dhacdadan nasiib darrada ah ay yihiin Itoobiyaan.” Safaaradda ayaa sidoo kale xustay in 197 ka badbaaday la badbaadiyay oo la dajiyay xerada qaxootiga caalamiga ah ee Obock.

Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegtay saddex maalmood ka hor in ugu yaraan 45 qof ay si naxdin leh u dhinteen 111 kalena weli la la’yahay ka dib markii ay tahriibayaal xoog kaga dejiyeen doonidii ay saarnaayeen oo ku jirtay badda cad. Dhacdadan oo ka dhacday xeebta Obock, oo u dhow Godoria ayaa waxaa ku lug lahaa laba doomood oo ay saarnaayeen tahriibayaal ka soo laabtay Yemen.

Safaaradda oo muujisay “aad uga xun” khasaaraha nafeed ee ka dhashay, ayaa tilmaantay in ay socdaan dadaallada lagu baadigoobayo 75-ka qof ee rakaabka ah ee soo haray oo aan weli la ogeyn halka ay ku dambeeyeen.

Safaaradda ayaa ku boorisay tillaabooyin adag oo lagula dagaallamayo ka ganacsiga dadka, iyadoo sheegtay in “iskaashi la kordhiyo ee ka dhexeeya hay’adaha ay lagama maarmaan tahay in la xakameeyo ka ganacsiga dadka ee sharci darrada ah.”

Safaaradda Itoobiya ayaa ballan qaaday in dowladda Itoobiya ay “tallaabo adag” ka qaadi doonto dadka ku lugta leh falalkaas
Warbixino hore oo ka soo baxay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), oo ku salaysan xisaabaadka badbaadayaasha, ayaa shaaca ka qaaday in dadka wax tahriibiya ay ku qasbeen tahriibayaasha inay badda ku soo galaan doonyaha buux-dhaafay—mid ka mid ah ayaa siday 100 qof, halka 210 kalena ay saarnaayeen.

Dhacdadan ayaa qayb ka ah dhibaatooyinka soo galootiga ah ee Itoobiya. Bishii Agoosto, doon kale ayaa ku degtay gobolka Ta’iz ee Yemen, taas oo sababtay dhimashada 13 iyo 14 qof ayaa la sheegay in la la’yahay.

Masiibooyinka noocaan oo kale ah ayaa dhacay bilihii la soo dhaafay, kuwaas oo horseeday dhimashada tobanaan tahriibayaal Itoobiyaan ah oo isku dayay in ay ka gudbaan baddaha halista ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here