Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday Xerada Ciidanka Cirka ee dalka Ereteriya.

0
41

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Eritrea ayaa booqday xerada lagu tababaro ciidamada cirka Soomaaliya ee dalka Eritrea, waxaana halkaasi warbixin dheer ka siiyay ciidamada iyo tababarayaasha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dar daarmay Taliyayaasha hogaaminaya Ciidanka Xoogga dalka in ay dalka u keenaan aqoontii ay barteen, islamarkaana ay ku biiriyaan ciidamada kale ee Soomaaliya jooga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay dadaalka ay wadaan ciidamada iyo saraakiisha la socota. Waxa uu sidoo kale uga mahad celiyay dowladda Eritrea dadaalka adag oo ay ku bixisay in ciidamada lagu tababaro mid ka mid ah xerooyinka dalkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada ay Eritrea ka siiso dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, isagoo ku tilmaamay inay muujinayso is-garab istaag xooggan oo ay la leeyihiin bulshada Soomaaliyeed iyo qarankooda isagoo ballan-qaaday inay adkeynayaan xiriirka labada dal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Eritrea, waxaana labada hoggaamiye ay si qoto dheer u muujiyeen sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka xooggan ee jira iyo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo shacabkooda.

Ammaanka, Difaaca Cirka iyo Taageerada Ciidamada kale ee Dowladda Federaalka ayaa ah waxyaabaha sida gaarka ah loogu tababaray Askarta ku jirta Xeryaha ku yaalla dalka Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here