UK, Somalia oo soo bandhigay Qaraarka Qaramada Midoobay ee lagu kordhinayo kaalmada dib u habeynta xuquuqda aadanaha.

0
37

Dowladaha Ingiriiska iyo Soomaaliya ayaa Khamiistii shalay horgeeyay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay qaraar wadajir ah oo ku saabsan sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u habeynta xuquuqul insaanka iyo dib u cusboonaysiinta shaqada khabiirka madaxa bannaan ee Soomaaliya.

Simon Manley, Wakiilka Joogtada ah ee UK u qaabilsan Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) iyo Qaramada Midoobay (QM) ayaa bogaadiyay dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, isagoo xusay in bishii August la ansixiyay Sharciga Xuquuqda Naafada iyo sameynta koox farsamo dhanka xuquuqul insaanka. “Kala shaqaynta Soomaaliya ee hababka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka waa mid ku dayasho mudan, dib-u-habayntan ayaa muujinaysa sida ay uga go’an tahay in ay u hesho mustaqbal wanaagsan dhammaan muwaadiniinteeda,” ayuu yiri Manley.

Manley waxa uu carabka ku adkeeyay in iskaashiga caalamiga ah uu muhiim u yahay sidii looga gudbi lahaa caqabadahaas. “Marka loo shaqeeyo si daah-furan oo la garab istaago saaxiibada, Soomaaliya waxay sii wadi kartaa xoojinta qaab dhismeedka xuquuqal insaanka,” ayuu raaciyay.

Qaraarka qabyada ah ayaa ku baaqaya in la helo kaalmo farsamo oo habaysan si Soomaaliya looga caawiyo fulinta hindisayaasheeda xuquuqul insaanka, gaar ahaan kuwa diiradda lagu saarayo ilaalinta kooxaha nugul sida haweenka, carruurta iyo dadka naafada ah. Soomaaliya waxaa laga filayaa inay si dhow ula shaqeyso Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) iyo daneeyayaasha kale ee caalamiga ah si loo horumariyo dib-u-habayntan.

Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa isna ka dhawaajiyay hadalkan, isagoo caddeeyay in dalka ay ka go’an tahay horumarinta xuquuqul insaanka. “Soomaaliya waxay u heellan tahay inay beesha caalamka kala shaqeyso sidii ay u ilaalin lahayd xuquuqda muwaadiniinta oo dhan,” ayuu yiri mas’uulkan oo intaas ku daray in sharciga xuquuqda naafada uu durba bilaabay inuu isbedello wanaagsan u sameeyo kooxaha nugul.

Qaraarkan ayaa la filayaa inuu taageero ballaaran ka helo dalalka xubnaha ka ah UNHRC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here