Saraakiisha ugu sareysa laamaha amaanka Soomaaliya oo kulan ay uga wada hadleen guluf colaadeed oo cusub oo ka dhan ah AS oo ka dhacay Gobolka Galgaduud.

0
37

Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa ka jira Hay’ado ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, si ay u xoojiyaan hawlgalada adag ee ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoo Saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Xoogga dalka ay kulamo kala duwan la qaateen Hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga dalka oo loo diyaariyay inay hawlgalada fuliyaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Guuto Dayax Cabdulle ayaa kulamo wada tashi ah kula qaatay deegaanka Waniile oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Kulamadan ayaa waxaa ka soo baxay in ciidamada qalabka sida oo kaashanaya kuwa deegaanka ah oo abaabulan ay ku wajahan yihiin goobaha ay wali gacanta ku hayaan AS, si ay u xoreeyaan deegaano hor leh, isla markaana ay u gaarsiiyaan adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin shacabka ku dhaqan deegaanadaasi. .

Sareeye Guuto Dayax Cabdulle Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kula dar daarmay Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Xoogga dalka ee howlgallada ka wada in ay xoojiyaan wadashaqeynta iyo isku xirka si ay guulo uga gaaraan dagaalladan.

Todobaadkii hore waxaa Gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug ka dhacay howlgalo duqeymo ah oo ay Dowladdu sheegtay in lagu beegsaday xubno ka tirsan ‘AS’ laguna burburiyay dhowr xarumood oo muhiim ah.

Dhinaca kale waxaa jira abaabul ay leeyihiin ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug iyo ciidamo deegaanka ah oo abaabulan oo loo yaqaano Macawisley oo loo yaqaanay in ay gudaha u galeen goobaha la duqeeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sii xoojineysa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sidii loo xaqiijin lahaa xasilloonida deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday, waxaana ay ballan qaaday in ay si buuxda ula dagaallami doonto Al-Shabaab, iyadoo madaxda ugu sareysa ay ammaaneen ciidamada galantiga ah ee Al-Shabaab ka xoreeyay deegaano dhowr ah tan iyo markii ay howlgallada bilaabeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here