Soomaaliya ayaa sheegtay in Masar ay u yaboohday in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalka ku yaalla Geeska Afrika, si ay isaga kaashadaan amniga, kaasoo soo ifbaxaya xilli uu meesha ka baxayo shaqada koox muddo dheer soo jirtay oo ka tirsan nabad ilaalinta Midowga Afrika.
Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi ayaa Khamiistii shalay ka qeyb galay shir madaxeed ka dhacay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaasi oo isaga iyo madaxda Soomaaliya iyo Eritrea ay ku ballan qaadeen iskaashi xooggan oo ku saabsan amniga gobolka.
Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay gabagabada shir-madaxeedka inay soo dhaweynayaan yabooha Masar ee ah in ciidammo la geeyo Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan ciidamada xasilinta marka la kala diro ciidamada Midowga Afrika ee hadda jooga bisha December.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxdu ay soo dhaweynayaan go’aanka Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika uu ku billaabay howlgalka Midowga Afrika ee lagu taageerayo xasilinta Soomaaliya, ama AUSSOM, kaasoo mas’uuliyadiisa la geyn doono Masaarida ama kuwa kale.
War-murtiyeed gaar ah oo daba socday shir-madaxeedka ay saxiixeen wakiillada Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya ayaa lagu caddeeyay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay go’aamiso qaabka, howlaha iyo waqtiga loo dirayo ciidamada AUSSOM.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo 2007-dii taageero ka helayay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira kooxda Islaamiga ah ee Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, isla markaana mas’uul ka ah weerarro lagu hoobtay oo ka dhacay dalka.
Shir madaxeedka Asmara ayaa daba socday in muddo ah xiisado ka taagnaa gobolka oo ka dhashay khilaafyo u dhaxeeya Itoobiya iyo kuwa kale.
Muranka ugu horreeya – ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar – ayaa ku saabsan dhismaha biyo-xidheenka $ 4 bilyan ee Itoobiya ay ka dhisayso webiga Blue Nile, oo ah xuddunta muhiimka ah ee webiga Niil. Masar waxa ay ka cabsi qabtaa in ay saamayn xun ku yeelato biyaha iyo waraabka biyaha ee Masar haddii aanay Itoobiya tixgelin baahideeda. Itoobiya ayaa qorshaynaysa in ay biyo xidheenka ka dhaliso koronto aad loogu baahan yahay.
Muranka labaad – ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya – wuxuu ku saabsan yahay maamul-goboleedka Soomaaliya ee Somaliland.
Soomaaliya ayaa isku dayday in ay hor istaagto dadaallada Itoobiya ee aan badda lahayn ee ay ku doonayso in ay ku gasho badda cas iyada oo loo marayo heshiis muran badan dhaliyay oo ay la gashay Somaliland si ay uga kirayso dhul xeebeedkeeda, halkaas oo ay Itoobiya ka samaysanayso saldhig ciidammada badda ah. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay Somaliland u aqoonsan doontaa dal madax-bannaan, sida ay sheegeen maamulka Somaliland.
Somaliland ayaa ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano ka hor balse Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay midna uma aqoonsana inay tahay dal madax-bannaan. Soomaaliya weli waxay u haysataa Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda.