Maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay Luuq kadib heshiis nabadeed oo burburay.

0
39

Xiisad colaadeed ayaa xalay ka dhacday degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo labo maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen kadib markii uu bur buray heshiis nabadeed oo dhowaan la dhex dhigay, waxaana dib u soo cusboonaatay xiisadda iyo cabsi soo wajahday dadka deegaanka.

Dagaalka oo bilowday maqribnimadii caawa ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalkan uu cabsi iyo qalqal ku abuuray dadka deegaanka.

Xiisadan colaadeed ee u dambeysay ayaa ka dhalatay dil dhacay maalmo ka hor, kaasoo soo cusboonaaday colaad muddo soo jiitameysay oo u dhaxeysay labada beelood. Heshiiska nabadeed oo ay fududeeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa la doonayay in lagu xalliyo xiisadahaasi. Si kastaba ha ahaatee, dilkii dhawaan loo geystay nin ka mid ah beelaha ayaa horseeday in heshiiskaasi uu si degdeg ah u burburo, taasoo keentay in dib loo bilaabo colaadda.
Goob joogayaal ku sugan Luuq ayaa soo sheegaya in labada maleeshiyo beeleed ay saaka isku hor fadhiyaan, waxaana suuragal ah in dagaal kale uu dhaco, iyadoo labada dhinac ay isku diyaarinayaan dagaal hor leh.

Iyadoo aan weli la xaqiijin tirada khasaaraha ka dhashay dagaalka, ayaa haddana waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo maamulka deegaanka, kuwaasi oo ku baaqaya in si deg deg ah loo soo farageliyo, si looga hortago in rabshaduhu faraha ka baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here