Wax badan Ka Ogow Bisha Octobar iyo dhacdooyinka dadka Soomaaliyeed aan ka go’een quluubtooda ee saamaynta ku yeeshay.

0
38

04-tii Octobar 2011kii waxaa dhacay qaraxii lagu weeraray xarunta hargaha iyo saamaha halkaas oo lagu qarxiyay arday.

20-Kii Octobar 2011-kii Dagaalkii Waynaa Ee Ka dhacay Degmada Dayniile Xaafadaha Bangalo iyo Tiida Ee u dhaxeeyay AS iyo Ciidanka Dalka oo Ay ka bar bar dagaalamayeen CIidamadii AMISOM Howl galkii ugu cuslaaa Ee AS Magaalada Muqdisho looga saarayay.

Octobar 08 2020 Cali Khaliif Galayr ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida.

12-kii Octobar 12 1954 tii waa maalintii ay soomaaliya yeelatay calanka buluuga ah ee xidigta dhaxda uga jirto.

Octobar 14 2017 waa maalintii ay dadka soomaaliyeed ay waayeen ku dhawaad 1000 qof oo mar qura ku geeriyooday qarax ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho.

15-kii October 1969 Madaxweyne Cabdirashid Sharma’arke ayaa waxaa toogtay Mid ka mid ah ilaaladiisa Sharma’arke waxaa uu xilligaas booqasho ku joogay magaalada Laas-Caanood ee waqooyiga dalka.

5 Maalin kadib dilka madaxweynaha oo ku beegan Octbar 21 waxaa dalka Afgambi ku qabsaday Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo golihii Towradda oo dalka Soomaaliya Xukumayey 21- sano.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here