Ciidamada dowladda oo howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah AS ka sameeyay in ka badan 15 tuulo oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

0
37

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa guutada 14-ka October ayaa saaka howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Shalaanbood iyo Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ciidamada waxa ay ka sameeyeen ilaa 15 tuulo oo kala ah Kaayitoy,Mushani,Majabto,Doonkaa Daafeedow,Bulaakamirow,Buulajadiid,Shuufeeri,Doondheere,Cadceed,Malable Boulanaji,Buularundi,Malable iyo Beeraaha Bay.

Taliyaha qeybta 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Nuur Fareey oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in howlgalka uu ahaa mid lagu nadiifinayay, islamarkaana ciidamadu ay ku burburiyeen goobo dhowr ah oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen.

Taliye Nuur Fareey ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgalladaasi ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab inkastoo uusan shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaartay kooxda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida deegaanadaasi. Laamaha amaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgalada ay sii socon doonaan inta laga sifeynayo kooxda gabi ahaanba deegaanka.

Howlgalladan adag ayaa qeyb ka ah dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha nabad diidka ah iyo soo celinta amniga gobollada ay saameeyeen dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab. Hawlgalka adag ayaa hoosta ka xariiqaya cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo kooxda, kooxdan oo hadda laga saaray dhowr goobood oo muhiim ah tan iyo markii ay duulaanku qaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here