Duqa magaalada Nabatiyeh ee dalka Lubnaan oo lagu dilay duqaymo ay Israa’iil fulisay iyada oo la bartilmaameedsaday saldhigyada Xisbullah.

0
37

Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Israel ayaa lagu dilay duqii magaalada Nabatiyeh, Ahmad Kahil, ee koonfurta Lubnaan, intii lagu guda jiray weerar lagu qaaday dhismaha dowladda hoose ee magaalada, sida ay xaqiijiyeen maamulka deegaanka.

Shan qof oo kale ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka, kaas oo gudoomiyaha Nabatiyeh Howaida Turk uu ku tilmaamay “xasuuq.” Weerarkan ayaa dhacay xilli ay ciidamada Israa’iil ka wadaan koonfurta Lubnaan howlgalo ay ku bartilmaameedsanayaan goobaha ay maamulaan Xisbullah iyo xulafadooda Amal.

“Weerarka Israa’iil ee laba dhismo, degmada Nabatiyeh iyo midowga degmooyinka, ayaa dilay shan qof markii hore,” wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa tiri, iyada oo intaa ku dartay in samatabbixiyeyaashu ay raadinayaan dad ka badbaaday burburka hoostiisa.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen daraasiin bartilmaameedyo ah oo Xisbullah ah oo ku yaalla agagaarka Nabatieh ayna soo rideen wax ay ku tilmaameen “kaabayaasha dhulka hoostiisa ah”, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Duqeymahan ayaa imaanaya kadib markii Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu diiday baaqyada xabbad joojinta ee Lubnaan, isagoo ku adkeystay in xoogagga Xisbullah ay tahay in dib looga riixo xadka waqooyiga Israa’iil. Hawlgalladan ayaa qayb ka ah duullaanka ballaaran ee Israa’iil oo toddobaadyadii la soo dhaafay sii xoogeystay, iyadoo Israa’iil ay sidoo kale duqeymo ka geysatay Beirut iyo bariga Lubnaan. Inkastoo Mareykanka uu dhaleeceeyay duqeyntii Beirut, Netanyahu wuxuu sheegay in aysan dhici doonin xabad joojin haddii aan la xaqiijin aagga difaac ee ka caaggan dagaalyahannada Xisbullah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here