Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland ayaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay Maalinta Beeralayda Soomaaliyeed

0
11
Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland ayaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay Maalinta Beeralayda Soomaaliyeed iyo xuska Maalinta cunnada adduunka oo maanta ku beegan.
Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka mudane Geelle Muxumed Aadan, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, xubno kasocday Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland, maamulka degmada Kismaayo, wakiilo kasocday Hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah Wasaaradda iyo qeybaha kala duwan bulshada rayidka ah.
Intii ay munaasabadda socotay ayaa lagu soo bandhigay mudnaanta ay bulshada Soomaaliyeed u leeyihiin isticmaalka noocyada kala duwan ee dalagga beeraha, sidoo kale waxaa looga hadlay xoojinta wax soo saarka Beeraha iyo sidii loo dhiirigalin lahaa dadka beeralayda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here